Animation

War hada: Alshabaab oo xalay saqdii dhexe markii ugu horeysay madaafiic ku garaacday saldhig ciidamada amisom ay ku leeyihiin….

no responses
Tuesday June 13, 2017 - 9:44 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dagaalamayaasha alshabaab ayaa habeenkii xalay waxa ay madaafiic ku garaaceen saldhig ciidamada amisom ay ku leeyihiin degaanka Biya Cadde ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Tiro madaafiic ah ayey shabaabku ku duqeeyeen saldhigga ciidamada amisom xalay saqdii dhexe sida ay dadka deegaanka warbaahinta u xaqiijiyeen,

Ciidamada amisom ayaa madaafiic kale ku jawaabay duqeynta shabaabka ay saldhiggooda ku garaaceen.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay madaafiicdaasi Xoogaga Shabaab ay ku weerareen Saldhiga ciidamada Amisom ay ku leeyihiin deegaanka Biya Cadde.

Waa weerarkii ugu horeeyay ee madaafiic loo adeegsado oo lagu qaaday saldhigga ciidamada amisom iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin deegaanka biyo-cadde ee gobolka shabeellada dhexe.