Animation

War Hada: Alshabaab oo la Wareegay Deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan Kadib Markii ay Faarujiyeen Ciidanka Itoobiya

no responses
Tuesday October 11, 2016 - 10:04 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Iyadoo Ciidanka Itoobiya ay ka Baxeen Degaanka Ceel-cali ee Gobolka Hiiraan ayaa Wararka deegaankaasi ka imaanaya waxa ay sheegayan in Gacan ku heynta Magaalada ay si Buuxda Ula Wareegeen Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab.

Ciidanka Itoobiya ayaa la sheegay in ay Bur buriyeen Difaacyadii ay Halkaasi ku lahaayen waxaana la Ogeyn sababta Ciidanka ay Magaalada uga baxeen.

Dhinaca kale Habeenkii Xalay Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab ayaa Magaalda Si Rasmi ah ula wareegay,

Alshabaab ayaa Dadka deegaanka u sheegay in ay Is Dajiyaan oo Banaanka ay usoo Baxaan waxaana lasoo sheegaya in Saraakiisha Shabaab ay Dadka deegaanka Meel Fagaaro ah kula Hadlayaan.

Mudooyinkii ugu dambeeyay Ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah Amisom waxa ay Faarujinayeen Fariisimo ay ku lahaayeen Deegaano ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud mana Cada Sababta Rasmiga ah ee Ciidanka ay u Faarujinayaan Fariisimahooda.

Facebook Comments