Animation

War hada: Alshabaab Meeqa ayey sheegtay in Ciidamada Kenya ay uga dishay Weerarkii Saakay ay ku qaaday Deegaanka Kulbiyoow???

no responses
Friday January 27, 2017 - 7:04 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Afhayeenka Dhinaca Howlagala Alshabaab Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in Weerarkii saakay Dagaalyahanadooda ay kuq aadeen Saldhiga Ciidamada Kenya ku leeyihiin Deegaanka Kulbiyow ay ku dileen in kabadan 50 Askari oo kenyaati ah.

Abuu Muscab wuxuu sheegay in faah faahinta hordhaca ah ee ay ka heleen qasaaraha dagaalka ayaa waxa uu sheegay in Hada ay mareyso 57 askari oo Ciidamada Kenya ka tirsan waa sidii Afhayeenka sheegtay.

Sidoo kale Afhayeenka dhinaca Howlagalada Alshabaab wuxuu sheegay in Dagaalka ay ku qabsadeen tobaneeyo gaadiid dagaal iyo Xeradii Ciidanka Kenya ay ka sameysteen Duleedka Deegaanka Kulbiyoow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanka Kulbiyoow waxa uu hoostaga Dagmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose oo dhawaan Ciidamo Huwan ah ay shabaab kala wareegeen Waloow Markii dambe ay Ciidanka isaga baxeen shabaabkiina dib ula wareegeen.

Weerarka wuxuu dhacay Watqi hore oo Saakay oo Jimco ah waxaana uu la mid yahay Weerarkii shabaab ay Sanad ka hor ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Kenya ay ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo kaasi oo qasaaro badan uu ka soo gaaray Ciidamada Kenya.