Animation

War Hada ah: Xeer Ilaaliye ku Xigeenkii Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo Muqdisho ku Geeriyooday Kadib Dhaawac k…….

no responses
Friday October 28, 2016 - 3:19 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Muqdisho Maanta waxaa ku geeriyooday Xeer Ilaaliye ku xigeenkii Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida C/laahi Xuseen Mayoonge oo Mudo bil ka hor dagmada Wardhiigley ay ku Dhaawaceen Maleeshiyo Hubeysan oo Rasaas ku furay Gaari uu watay Allaha ha u Naxariiste C/laahi Xuseen Mayoonge.

Xeer ilaaliye ku Xigeenka wuxuu Mudo ku Xanuunsanaay Magaalada Muqdisho Isagoona la dhibaatoonayay Xanuunka Dhaawaca kasoo gaaray weerar gaari uu la socday Lagu qaaday Xili uu Maraayay Agagaarka Saldhiga Dagmada Wardhiigley.

Dowlada Federaalka Weli kama aysan Hadlin Geerida Allaha ha u Naxariiste Xeer ilaaliye ku Xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.