Animation

Xasaasi: Qeybo kamid ah Magaalada Kismaayo oo Maanta Xiran iyo Jubbaland oo Aamar Culus ka soo saartay Dhaq dhaqaaqa…..+Sawirro

no responses
Thursday September 22, 2016 - 10:29 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, ayaa ammar lagu yaraynayo dhaqdhaqaaqa Gaadiidka ka soo saaray Magaalada Kismaayo.

Afhayeenka nabad sugidda ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamuud Maxamed (Axmed Carab) ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay inay xiran yihiin qaybo ka mida Magaalada Kismaayo sababo la xiriira xagga ammaanka.

Axmed Carab, ayaa tallaabadani ku macneeyay,u diyaar garoow ay ugu jiraan doorashooyinka dadban ee dhawaan lagu wado iney Dalka ka dhacaan,taasoo ka qabsoomi doonta Maamul goboleedyada iyo Caasimadda Muqdisho.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in ciddii jebisa ammarkaasi ay soo saareen ay kala wareegi doonaan Gaariga uu wato, wadahuna uu mutaysan doono ciqaab kulul.

af1-300x200 af2-300x200 af3-300x200 af5-300x200