Animation

War hada ah: Qaraxyo Xoogan oo Saakay Gil gilay Caasimada Wadanka……+Sawirro

no responses
Tuesday September 6, 2016 - 9:24 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Wararka laga helaayo Dalka Afgaanistaan ayaa waxa ay sheegayan in Saakay Qaraxyo Xoogan ay gil gileen Magaalada Kapul ee Dalka Afgaanistaan.

Qarax saddexaad ayaa gilgilay magaala madaxda dalka Afqaanistaan ee Kaabuul, saacado uun kaddib markii labo qarax ay galaafteen nolasha ugu yaraan 24 qof.

Wararka ayaa sheegaya in qarax lagu soo xiray baabuur lala beegsaday hoteel ku yaala woqooyi galbeed Kaabuul, kaddibna rag hubeysan ay weerar ku qaadeen hoteelkaasi.

Booliska dalkaasi ayaa sheegaya in ciidamada gaarka ah ee dalkaasi ay la tacaalayaan xaaladda.

Kal hore, ururka Taalibaan ayaa sheegtay mas’uuliyadda labo qarax oo ka dhacay meel mashquul badan oo ka tirsan magaaladaasi.

Dhowr askari oo ka tirsan laamaha ammaanka ayaa lagu dilay meel u dhow wasaaradda gaashaandhigga.

An Afghan policeman stands guard near the site of an attack in Kabul, Afghanistan September 6, 2016. REUTERS/Mohammad Ismail

Afghan security forces inspect at the site of a suicide attack in Kabul, Afghanistan September 5, 2016. REUTERS/Mohammad Ismail

Afghan officials transport a victim after a suicide attack in Kabul, Afghanistan September 5, 2016. REUTERS/Mohammad Ismail

_91037617_259596d8-6482-4d33-ac3f-5f744553383a

Facebook Comments