Animation

War Hada ah: Maxaadan Ogeyn oo Hada laga soo sheegaya Shirka ka socda Magaalada Jowhar??? War ayaan idinkaga heynaa

no responses
Saturday October 8, 2016 - 11:17 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha dhexe waxaa maanta isugu tagay xubnaha Baarlamaanka maamulka Hirshabelle, oo dhismahiisa uu ka socdo magaaladaasi.

Xubnaha ayaa hoolka shirarka ee magaalada Jowhar kula kulmay gudiga matalaya wasaaradda arimaha gudaha iyo federaalka ee hagaya hanaanka farsamo ee shirka, iyaga oo isla meel dhigay sii wadidda shirka si loogu gudbo qeybaha kale ee wali ka harsan shirkaasi.

Xildhibaanada baarlamaanka maamulka cusub oo wali aan si rasmi ah loo shaacin tiradooda balse wararka aynu heleyno ayaa waxa ay sheegayan in qorshuhu uu yahay in maanta la xareeyo xildhibaanada baarlamanka

Masuuliyiinta wasaardda gudaha iyo federaalka soomaaliya ayaa dadaal ugu jira in la dhameystiro dhismaha maamulka Hirshabelle oo iminka howshiisu ay mareyso meel gabo gabo ah.

Facebook Comments