Animation

War Hada ah: Maxaadan Ogeyn oo Hada laga soo sheegaya Magaalada Kismaayo????? War Muhiim ah ayaan idinkaga heynaa

2 responses
Tuesday November 8, 2016 - 7:32 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Kismaayo Saakay waxaa ka socda Diyaar garoowgii Ugu Dambeeyay ee Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose.

Sida Horay ay u sheegen Guddiga Doorashada Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in Kismaayo ay ka Bilaabato Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka soomaliya.

Waxaa Maanta loo tartami doona Ilaa 7 Kuri oo Xildhibaanada Aqalka Hoose Waxaana tirade guud kuraasta Aqalka hoose xunaha ka imaanaya dowlad goboleedka Jubbaland ay yihiin 43-kursi.

Masuuliyiinta jubbaland ayaa sheegay in Doorashada Maanta ay dhici doonto Waxaana Aad loo Adkeeyay Ammaanka Guud ee Magalada Kismaayo Gaar ahaan Goobaha Doorashada ay ka dhaceyso.

Magaalada Baydhabo sidoo kale Maanta ayey ka dhacayan doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose.

Baydhabo doorashooyinka waxa ay ka dhici doonan saddexda maalmood ee soo socota oo la qaban doono doorashooyinka ilaa iyo 23-kursi, kuwaas oo 8-da kursi ee ugu horreysa doorashadooda maanta la qabanayo, sida ay sheegeen guddiga doorashada ee dowlad goboleeda K/Galbeed ee Soomaaliya.

Tirada guud ee kuraasta Aqalka Hoose ee xubnaha ka imaanaya K/galbeed ayaa ah 69 kursi.

Jubbaland iyo K/Galbeed Maanta ayey si wada jir ah u bilaabi doonan doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose.

Isha ku Haay Doorashooyinka ka Bilaabamaya Kismaayo iyo Baydhabo