Animation

War Hada ah: Maxaa ka Cusub Dagaalkii Saakay Galkacyo ka Bilowday Labada Ciidan Xagee ku kala suganyihiin ???

no responses
Thursday October 13, 2016 - 12:32 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xaaladda Magaalada Galkacyo Wararkii ugu Dambeeyay aan ka heleyno waxa ay sheegayan in Jawiga Hada uu xooga yara daganyahay ka gadaal Markii saakay dagaal culus uu ku dhexmaray Ciidan ka tirsan Galmudug iyo Puntland.

Dagaalkii saakay dhacay waxaa la isku adeegsaday Hubka Cul culus iyadoo Daryanka Madaafiicda laga maqlaayay guud ahaan magaalda Galkacyo.

Dagaalka ayaa la sheegay in Qasaaro kala duwan uu geestay waxaana wararka aan ka helnay Xarumaha Caafimaadka ee Magaalada Galkacyo ay noo sheegen in Tiro dhaawacyo ah la geeyay Cisbitaalada Koonfurta iyo wuqooyiga Galkacyo ku yaala.

Weli si Rasmi ah looma ogaan qasaaraha dhimashada iyo dhaawaca waloo warar hordhac ah ay sheegayan in dhaawaca uu sii caga cageynaayo ilaa 5 Ruux .

Maamulada Galmudug iyo Puntland weli dagaalkaan kama hadlin waxaana dagaalka uu salka ku haaya Goob saylad ah oo Puntland ay dooneyso in Galkacyo ay ka dhisto iyo Galmudug oo Dhismahaasi ka biyo diidan.

Waxgaradka Labada Dhinac ayaa quus ka taagan Xal ka gaarida Xiisada soo laab laabatay ee Dagaalka isku badashay taasi oo markasto ak dhacda Magaalada Galkacyo Dhankeeda Koonfurta Galbeed Xigta Halkaasi oo Labada Ciidan ay Isku Horfadhiyaan.