Animation

War Hada ah: Kulan Muhiim ah oo Goordhaw ka dhacay Madaxtooyada Villa Soomaliya Yuusa Dhexmaray?? Warbixin+Sawirro ayaan idin kaga heynaa

one response
Thursday November 10, 2016 - 12:56 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Muqdisho- 10 November-2016- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federealka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wasiirka arrimaha dibedda iyo xirriika caalamiga ah ee dowladda Burundi Mudane Alain Aime NYAMITWE oo saaka soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiir NYAMITWE ayaa ka wada hadlay xirriirka ka dhaxeeya labada dowladood iyo howlgalka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya gaar ahaan ciidamada ka socda Dowladda Burundi ee Soomaaliya jooga.

Wasiir NYAMITWE u sheegay Madaxweynaha in dowladda Burundi ay ka go’an tahay sii xoojinta taageerada ay ku bixiso Soomaaliya gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah Kooxaha nabad diidka ah ee ay ciidamada AMISOM gaar ahana kuwa Burundi ay ku garab taagan yihiin ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Ugu Dambeyntii, Madaxeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey Dowladda Burundi sida ay garab taagan tahay Soomaaliya oo ay dhiigooda ugu hurayaan Soomaaliya.

DHAMAAD
Shador Haji

Agaasimaha Warbaahinta
Madaxtooyada JF Soomaaliya
shadorhaji@presidency.gov.so

ib0a9001 ib0a9019 ib0a9031 ib0a9164