Animation

War Hada ah: Ciidanka NISA iyo Kuwa Amisom oo Caawa Howlgal Balaaran ka wada qeybo ka mid ah Dagmada…….

no responses
Monday October 10, 2016 - 7:23 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ciidamo Ka tirsan NISA iyo Kuwa Amisom ayaa Caawa waxa ay Howlgal ka wadaan qeybo ka mid ah Dagmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Ciidamo aad u fara badan ayaa ku jira Xaafada Suuq Bacaad iyo xaafado kale oo Siinaay ay ka mid tahay waxaana Howlgalkaan uu si gaar ah uga socdaa Xaafadi Maanta uu ka dhacay Qaraxa ee u dhaw suuq bacaad.

Qof kamid ah Dadka deegaanka ayaa sheegay in Ciidamo badan ay Xaafada ku jiraa Cawada Iyadoogana Howlgal ka wada qeybo xaafada kamid ah.

“Ciidan badan ayaa Guryaheena Hordhooban sidoo kale Gaadiidka Amisom ayaa Xaafada ku sugan iyo Ciidamo badan Guryaha Nalalka waa ka dansanyihiin Xaafadana waa Mugdi” ayuu Yiri qof ka mid ah Dadka Deegaanka oo aan la Hadalnay.

Saraakiisha Ciidanka Dowlada oo aan isku daynay in aan la Xiriirno ayaana inoo suurta Galin.

Lama Oga Howlgalkaan iyo waxa uu Salka ku haayo Ha yeeshe wuxuu kusoo Beegmaya Iyado Maanta Qarax uu ka dhacay Meel aan sidaas uga fogeyn Suuq Bacaad ee Dagmada Yaaqshiid.