Animation

War Hada ah: Ciidamo ka wada Tirsan Nabad Sugida iyo Booliska Soomaliya oo Dagaal uu ku dhexmaray Magaalada…..

no responses
Tuesday September 20, 2016 - 12:59 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Sida ay Sheegayan Wararka aynku heleyno Isgooyska KM4 ee Magaalada Muqdisho  ayaa sheegaya in iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada Nabad sugid iyo sidoo kale Booliska Soomaaliyeed uu halkaasi ka dhacay.

Iska Hor Imaadkaan ayaa la sheegay in Mudo Daqiiqado ah uu socday waxaana la xaqiijiyay Geerida Hal Askari oo Ciidanka Booliska ka tirsan iyo Dhaawaca Laba askari oo Isla Booliska ka tirsan.

Sida K24 ay u xaqiijiyeen Iska Hor imaadka ayaa socda Mudo ku dhaw Nus Saac ama 30 daqiiqo waxaana mudadii uu socday hakad galay isku socodka dadkaa iyo gaadiidka iyo sidoo kale Ganacsiga ku yaala KM4 ee Magaalada Muqdisho.

M ahaan Markii ugu Horeysay oo ay dagaaalaman Ciidan ka wada tirsan Dowlada Federaalka waxaana la ogeyn sababta ka dambeysa Iska hor Imaadka Maanta Muqisho ku dhexmaray Askar ka tirsan Nabad sugida iyo Ciidanka Booliska Soomaliyed.