Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News Top News

War degdeg ah: Kenya oo Duqeymo Culus Kawado Deegaanka Ceelguduud ee Gobolka Gedo, Dhimasho Iyo dhaawac Ayaa lasoo warinayaa.

Diyaaradaha Dagaalka Kenya Ayaa Maanta duqeymo culus ka geystey Deegaanka ceelguduud ee Gobolka Gedo oo qiyaastii 12km u jirta Deegaanka ceelcade ee isla Gobolka Gedo.

Deegaanka ceelguduud ee duqeynta ay Maanta ka geysteen Diyaaradaha Dagaalka Kenya,Ayaa la sheegaya in Ilaa Sadex qofood ay ku dhinteen, kuwaas oo isugu jira rag, dumar Iyo caruurba.

Mid kamid ah dadka Deegaanka oo lagu magacaabo Cali cabdi samad oo lahadlay kismaayo24 Ayaa Inoo xaqiijiyay geerida sadexdaasi qof halka tiro intaasi ka badane ay ku dhaawacmeen.

“Walal Kenya waxay Saaka duqeyn ka bilowday Deegaanka ceelguduud ee Gobolka Gedo Sadex qof oo mid uu yahay odey Deegaanka aad looga yaqaano, haweeneey Iyo cunug ay dhashay, dhowr qof oo kalane waa ku dhaawacmeen waxaana dadkaasi dhaawaca ah loo qaaday Magaalada Garbaharay” ayuu Yiri nabadoon Cali cabdi samad oo ku sugan Deegaanka ceelguduud.

Sikastaba labadii maalin ee lasoo dhaafay Ayaa laga nastay duqeymihii ay Diyaaradaha Dagaalka Kenya kawadeen bartamaha Gobolka Gedo,waxaase Maanta ay noqoneysaa xiisad kale oo horleh oo ay Kenya ku xasuuqeyso Shacabka Dagan deegaanada diirharo ee Gobolka Gedo.

Related posts

International partners call for resolution of the political crisis in Somalia

admin

Ammaanka Magalada Baraawe oo la adkeeyey iyo wafdi ka socda koofur galbeed oo ku wajahan

Sakariye Sakariye

Dhagayso:- Wasiirka Amniga Puntland” Galan waa Dambiile Maxkamad ayaa la horkeenaya “

Tifaftiraha K24