Animation

War Deg Deg Ah Dagaal Qaraar Oo Hada Ka Socda Tuulada Yoocaale Ee Hoos Tagta Ina-Gabile.

no responses
Friday November 11, 2016 - 12:03 under Somali News by cabudwaaq
mqdefault

War Deg Deg Ah Dagaal Qaraar Oo Ka Socda Tuulada Yoocaale Ee Hoos Tagta Ina-Gabile.
wararka naga soo gaaraya tuulada yoocaale ee hoostagta ina gabile ayaa sheegaya in uu halkaasi ka socdo dagaal qaraar oo u dhaxeeya maleeshiyo beeleed kasoo kala jeedaa xeraale iyo balanbale kaasi oo ku salaysan Daaqsin iyo dhul.
ilaa hada wararku waxaya sheegayaan in ay ku dhinteen ilaa iyo 4 qofood in kabadan 5 qofna ay ku dhaawacmeen dagaalka hada socda oo labada dhinac ah .
wararku waxay sheegayaan in dhaawacyada labada dhinac hada la gaarsiiyey Caabudwaaq iyo Xeraale walina uu dagaalku socdo , mana jirto ilaa iyo hada cid u dhaqaaqday hakinta dagaalkaasi iyo sidii ay u joojin lahayd .
wixii warar ah ee la xiriira dagaalka isha ku hay Kismaayo24.com oo kala soco dhawana waxan idiin soo gudbin doonaa waraysiyo aan la yeelanay dad jooga goobta uu dagaalku kasocdo hadii alle idmo