Animation

War deg deg ah: Al-shabaab oo war ka soo saartay Qaraxii Muqdisho

no responses
Saturday October 1, 2016 - 1:53 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay Masuuliyadda weerar Qarax ah oo ka dhacay maanta Magaalada Muqdisho.

Waxa ay sheegeen Al Shabaab in weerarkooda ay ku Bartilmaamsadeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Maqaaxida Blue SKY ee weerarka uu ka dhacay.

Ma sheegin Al Shabaab khasaaraha ay ku gaarsiiyeen weerarkooda Saraakiisha ay Bartilmaamsadeen sida ay sheegeen.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkii maanta ka dhacay Maqaaxidaasi Blue SKY ay ku dhinteen illaa 3 qof ugu yaraan , halka ku dhawaad 10 kalana ay ku dhaawacmeen.