Animation

War Dag Dag Ah:Argagixisada Al Shabaab Oo Magaalada Buurdhuubo Sadex Nin Dil Ku Xukumay

no responses
Saturday March 30, 2013 - 7:17 under Kaydka Wararka Xulka ah by admin
mqdefault
Spread the love

Wararka naga soo gaaraya saaka degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyada Al Shabaab ee ka arrimiya magaalda Buurdhuubo ay dil ku xukumeen sadex nin oo ay ku soo eedeeyeen inay ahaayeen Basaasiin u shaqeeya Ciidamada AMISOM.

Warbaahinta K24 oo xiriir la sameysay qof ka mid ah dadka dagan magaalada Buurdhuuboo oo magaciisa ka gaabsaday xaalada amaankiisa awgeed ayaa waxa uu inoo xaqiijiyay in maanta goob fagaare ah leysugu soo saaray dadka dagan magaaladaas ka dibna sadex nin oo ka mid ah dadka magaalada lagu riday xukun dil ah.

Ilo wareedkeena ayaa waxa uu ku sheegayn magacyada sadexdan nin ee dilka lagu xukumay Maxamed Saciid Guuleed, Cabdi Faarax Jaamac iyo Ducaale Bashiir Cabdi, waxaana sadexdaas nin ii ku sugnaa goobtaas loo
daadhiciyay xabsiga kooxda xagjirka ah ee Al Shabaab ay sida gaarka ah u leeyihiin oo ku yaal magaalada Buurdhuubo.

Dhinaca kale waxaa mar walbaa dhacda in Al Shabaab dadka ka soo horjeeda fikirkooda guracan ama diida inay la shaqeeyaan loo adeegsado eedeeymo kala gadisan sida Basaasnimo.

Isku soo wada duuboo shacabka magaalada Buurdhuubo ayaa waxa ay u arkaan xukunka lagu riday sadexdaan nin Maxamed Saciid Guuleed, Cabdi Faarax Jaamac iyo Ducaale Bashiir Cabdi in uu yahay mid aan ahayn cadaalad islamarkaana ah mid been abuur ah oo ay Al Shabaab ku baneesanayaan daadinta dhiiga dadka shacabka ah ee diidan fikirkooda.

K24

Buurdhuubo, Soomaaliya

Facebook Comments