Animation

War Dag Dag Ah: Laba Nin Oo Dil Ugu Xukunaa Falaagada Argagixisada Ah Ee Al Shabaab Oo Ka Baxsaday Xabsi Ku Yaalay Magaalada Buurdhuubo.

no responses
Monday April 15, 2013 - 7:41 under Kaydka Wararka Xulka ah by admin
mqdefault

Wararka naga soo gaaraya saaka mid ka mid ah dadka ku nool magaalada Buurdhuubo ayaa waxa ay sheegayaan in laba nin ay xalay ka baxsadeen xabsi ay lahaayeen maleeshiyada ururka argagixisada ah ee Al Shabaab ee xooga ku haysta shacabka iyo magaalada Buurdhuubo.

Warkan aynu ka heleyno Ilo wareedkeena ku sugan magaalada Buurdhuubo ee gobolka Gedo ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in labadan nin ee xabsiga ka baxsaday ay ka mid ahaayeen sadex nin oo rayid ahaa oo si caadalad daro ah al shabaab ugu xukeen xukun dil ah bishii hore.

Ilo wareedkeena oo ka gaabsaday magaciisa xaalado la xiriira amaankiisa awgood ayaa sheegay inay xalay saqdii dhexe iyagoo hurdaya ay ku kaceen mar qura dhawaaqa raasaas xoogan oo ay ridayeen maleeshiyaad ka tirsanaa argagaixisada Al Shabaab oo xabsiga ilaalo ka ahaa.

Saaka markuu waaga baryay ayaa sida uu sheegay ilo wareedkeena waxa ay ogaadeen in xalay saqdii dhexe ay Laba n nin ka baxsadeen xabsiga Al Shabaab, waxa ayna ku sheegeen magacyada raggan ka baxsaday xabsiga Argagixisada Al Shabaab Maxamed Saciid Guuleed iyo Ducaale Bashiir Cabdi.

Dhinaca kale waxaa jira warar kala duwan oo magaalada dadka dagan ay isla dhexmarayaan oo sheegaya  in Maxamed Saciid Guuleed ay ku dhacday Rasaas xoogan ayna sababtay inuu u geeriyooday dhaawaca culsu ee soo gaaray  awgiis, halka warar kalena ay sheegayaan in dhaawac fudud uu soo gaaray lana soo qabtay markaas ka dibna Saraakiisha Al Shabaab ay amreen in la Goowraco oo la Goowracay.

Isku soo wada duuboo waxaan la ogeeyn ilaa iyo hadda halka uu u baxsaday ninka kale ee magaciisa lagu sheegay Ducaale Bashiir Cabdi , waxaa sidoo kalena  la ogeyn in Al Shabaab ay soo qabteen oo ay isagana Goowraceen iyo inuu sidaasi ku baxsaday, balse dadka magaalada waxay aad u hadal hayaan in Ducaale Bashiir Cabdi uu baxsaday.

K24

Buurdhuubo, Soomaaliya