Animation

War Cuusb: ku Dhawaad 4 Ruux oo ku Geeriyootay Kadib Markii Shil Gaari uu ka dhacay Magaalada…..

no responses
Saturday October 8, 2016 - 7:45 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Afar Qof ayaa ku geeriyootay ,Saddex kalana dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaartay Shil Gaari oo ka dhacay Waddada Daaru Salaam, Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Gaarigan oo uu noociisu ahaa Spacio,Taariko AE4830, ayaa lagu soo warramayaa inuu jiiray Dhallinyaro halkaasi Kubbad ku ciyaaraysay, waxaana halkaasi ka baxsaday Darawalkii gaariga.

Taliyaha Ciidanka Boliiska ee Gobolka Banaadir,Gen: Bishaar Abshir Geeddi , ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay, inay Gacanta ku hayaan  Baabuurka Dadka laayay,isagoo intaa raaciyay iney laamaha ammaanku ku raad joogaan wadihii gaariga oo goobta ka baxsaday.

Dhinaca kale, Guddoomiyha Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir Cusmaan Caddaawe, ayaa sheegay inay goobaha Caafimaadka geeyeen Dadkii ku dhaawacmay shilkan, halka kuwa dhintayna lagu wareejiyay eheladooda.