Animation

War Cusub: Xasan Shiikh oo Hambalyo Diiran u diray Kooxda Jeenyo ee ku Guuleystay Koobka Genral Daa’uud

no responses
Tuesday November 1, 2016 - 8:53 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxwaynaha J.F ee Soomaaliya Md: Xasan Sheekh Max’uud ayaa Hambalyo u diray Naadiga Kubadda Cagta ee Howlaha Guud (L.L.P.P) Jeenyo oo dhawaan ku guulaystay hanashada koobka Janaraal Daa’uud.

Madaxwanaha ayaa u rajeeyay dhamaan Cayaartoyda Soomaaliyeed in ay horumar ka gaaraan Sportiga qaybahiisa kala duwan, si ay sumcad iyo magac ugu soo hooyaan dalkooda iyo dadkooda.

Guusha kooxda jeenyo ayaa waxay ka danbaysay kadib Ciyaar Xiiso badan lahayd ee finalka Koobka Jeneraal Daa’uud ku dhexmartay Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Stadium Labada Kooxood ee kala ah Banaadir Sports Club iyo LPP Jeenyo maalinimadii Axadda eek u beegnayd 30/10/2017ka.

Labadan Naadi oo ay ka dhaxeyso xifaaltan aad u  xiisa badan ayaa waxay  labaduba soo badnhigeen cayaaro aad u xiisa badan, iyadoo  naadiga Banaadir  Sports  Club ay u suuragashay in ay dhaliso qaybta hore cayaarta labo gool, waxaana  qeybta hore lagu kala nastay 2-1 oo ay ku hogaaminaysay kooxda Benaadir.

Marka la isku soo laabtay cayaarta ayaa  Naadiga LLPP Jeenyo ay soo bandhigtay cayaar aad u xiisa badan, waxaana u suuragashay in ay ciyaarta bar bar dhac ka dhigaan, waxaana ay cayaarta ku soo idlaatay bar bar dhac 2-2.

Si labadan kooxood loo kala saaro ayaa waxaa loo dhigay intaa Gool kulaad.Kooxda Jeenyo ayaa ku Adkaatay Gool Kulaadkii 4- 2 ,waxaana sidaa Koobkii Jeneraal Daa’uud ku qaaday LPP Jeenyo.