Animation

War Cusub: Xasan shiikh maxamuud muxuu ka yiri dilkii xalay loo geestay wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska cabaas siraaji??

no responses
Thursday May 4, 2017 - 9:50 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynihii hore ee soomalia xasan shiikh maxamuud ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid wasiirkii hoelaha guud iyo dib u dhiska xukuumadda soomalia cabaas c/llahi siraaji oo xalay ay dileen ilaalada hanti dhowraha guud ee qaranka.

Xasan shiikh maxamuud oo hada ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka soomalia ayaa sheegay in wasiirka cabaas uu ahaa nin dhalinyaro ah oo mustaqbal wanagsan uu u gavan haatinaayay.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun.

EEBBE ha u naxariisto Wasiirkii Howllaha Guud, ahaana Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ,Marxuum Cabaas Siraaji oo caawa fiidkii lagu dilay Muqdisho. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, ehellada, Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, samir iyo Iimaan Allah ha inaga wada siiyo, Jannadii Firdowsana REBBE haka waraabiyo.

Marxuum Cabaas, wuxuu ka mid ahaa dhallinyarada markii ay ku soo biireen Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedraalka sannadkii tegay ee 2016 igu sii dhiira-geliyey yiddediilada rajada tayeeynta dowladnimada Soomaaliyeed.

Marxuumka, wuxuu astaan u ahaa soo kabashada Soomaaliyada cusub. Aad iyo aad baan u aaminsanahay in dhallinyaradu tahay dadka kaliyah ee soo celin kara midnimada iyo Qarannimada ummada Soomaaliyeed, sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa in ay sii xoojiyaan ka qeyb galka dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed.