Animation

War Cusub: Xasan Shiikh Axmad macali Fiqi oo Kulan Aad Loo Hadal haayo Ku yeeshay Magaalada Istanbul Maxaase Ka Soo Baxay??

no responses
Wednesday May 17, 2017 - 4:41 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa gurigiisa magaaladda Ankara ee dalka Turkey ku casuumay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo katirsan golaha shacabka.

Axmed Macalin Fiqi oo kamid ahaa siyaasiyiintii sida weyn uga soo horjeestay in Xasan Sh uu mar kale noqdo madaxweynaha Soomaaliya ayaa haatan kala heshiiyay arintaas kadib kulan ay ku yeesheen dalka Turkey.

Qoraal uu soo dhigay bogiisa Facebook ayuu Fiqi ku sheegay inuu la heshiiyay madaxweyne hore Xasan Sh “Doqoni meeshii lagu dagaalay ayay ogeyd ee ma aysan ogeyn halkii lagu heshiiyay” ayuu soo qoray Fiqi

Fiqi ayaa yiri” Kala maqnaansho dheer, kala aragti duwanaansho siyaasadeed oo rag & xaalkii ah ka dib, waxaan xalay guriga uu deggan yahay Ankara ku booqday H.E. Xasan Sh. Maxamuud madaxweynihii hore ee Soomaaliya, oo soo dhowayn iyo marxabayn badanna aan kala kulmay.

Sidoo kale waxaa uu soo qoray “Soomaalida ayaa ku maahmaahda “doqoni waxey ogayd meeshii lagu diriray ee ma ogayn halka lagu heshiiyey “, waxaan madaxweynaha isla Xirnay xisaabta cutubkii hore, annagoo si qoto-dheer uga sheekaysannay siyaasadda dalka waqtigii la soo dhaafay iyo mustaqbalka, xog-ogaalnimo badan & waaya-aragnimo dheer ayaan ka kororsaday mudadii aan wada qaadannay madaxweynaha.

 

Heshiiska Xasan Sh iyo Fiqi ayaa kusoo aadaya xili magaaladda Nairobi dhawaan looga dhawaaqay madal ka kooban 100 xildhibaan.

Xildhibaanadan ayaa si weyn uga soo horjeeda dowladda gaar ahaan madaxweyne Farmaajo iyo xukumadda Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Arintaan ayaa sidoo kale muujineysa iney xildhibaanada DAMU-JADIID iyo Daljir ay ka mideysan yihiin siyaasadda lagu diidan yahay dowladda cusub ee Soomaaliya.

Inkastoo madaxweyne Xasan Sh uu isna bogiisa Facebook kusoo qoray in dowladda ay ubaahan tahay waqti, hadana kulankan uu la yeeshay hogaamiyaha xisbiga daljir ee uu hogaamiyo Fiqi ayaa cadeyneysa inuu kamid yahay dadka sida weyn udiidan dowladda cusub.