Animation

War Cusub: Xagee u Baxeen Maleeshyadii Daacsh ee Shalay la wareegay Magaalada Qandala ee Gobolka Bari?? War ayaan idin kaga heynaa

no responses
Thursday October 27, 2016 - 12:08 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maleeshiyaad Sheegtey in ay ka tirsanyihiin Daacish oo qabsadey degamada Qandala ee gobolka Bari shaley ayaa isaga baxay magaaladaasi maanta.

Wararka ayaa sheegaya in Dadka ku nool Qandala ay Saakay ku soo tooseen Kooxdii ka tirsaneyd Daacish oo ka baxay Magaalada,waxaana Shalay markii ay qabsadeen Qandala ay Calanka Madow ee Daacish ay ka taageen Saldhiga Qandala iyo Xarunta Degmada.

Dadka deegaanka ayaa ka qaxayey Qandala tan iyo shaley, halka ciidamada Puntland ay u diyaargaroobayeen guluf ku aadan dib qabsashada magaalada Qandala ee gobolka Bari.

Maleeshiyada Shalay la wareegay Magaalada Qandala ayaa Tiradooda waxaa lagu shegay 100-150 Askari.

Xaaladda Magaalada Hada waa Dagantahay Dadka deegaankana waxay muujnaya Cabsi xoogan oo ku aadan Maleshiyadii Daacish ee Magaalada shalay la wareegay oo ilaa iyo Xalay Gacanta ku haayay.