Animation

War Cusub: Weerarkii kulbiyoow muxuu ku qasbay Dowlada kenya in ay ku dhaqaaqdo Maxaadse ka ogtahay Cadaadiska kenya soo fuulay wixii weerarkaasi ka dambeeyay??

no responses
Saturday February 4, 2017 - 6:51 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xisbiga Democrat-ga ah ee Kenya ayaa waxaa uu doonayaaa in Ciidamadda Kenya laga Soo saaro Soomaaliya taas Badelkeedaana la geeyo Meelo ay ka IlaaliyaanDalka Kenya.

War Qoraal ah oo uu Soo saaray Xog-hayaha guud ee Xisbiga Demoqaraadiga ah Jacob Xaaji waxaa uuna Madexweeynaha Kenya Uhuru kenytta ku Booriyay in uu Dib ugu Waco Ciidamadda Kenya kana Soo saaro Howlgalka Nabad ilaalinta kadib Weeradii Waqooyiga Kenya ee ay Alshabaab Fulliyeen.

Xaaji ayaa waxaa uu Sheegay in weerarkii Dhawaan lagu qaaday Ciidamadda Kenya ee Fadhiya deegaanka kulbiyoow ee u dhow Xuduudda Labadda wadan 27 kii Bishii la Soo dhaafay ay Dad badan ka argagexeen isla markaan uu Shaki galiyay Awooda Ciidamadda Kenya ay u leeyihiin in ay Howlgalkooda dhameeystiraan.

Afayeenka Ciidamadda Military-ga Kenya Gaashaanle dhexe Paul njuguna ayaa Horay u sheegay in Sagaal Askari oo kaliya  laga Dilay ciidamadda Kenya Markii Al-shabaab ay weerareen fariisinkoodii.

Qaar kamid ah War baahinta Kenya oo soo Xigtay Askartii weerarka kabadbaaday ayaa Qoray in 68 Askari Kenya looga Dilay Weerarkii kulbiyoow ee dhacay Dabayaaqadii January.

Tan iyo markii Alshabaab ay Weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamadda Kenya ay ku leeyihiin Deegaan ka Kulbiyoow waxaa Soo Kordhayay Baaqayadda Doowladda Kenya uga Imaanaya Xisbiyadda Mucaaradka iyo  Qeeybaha Kala Duwan ee Bulshadda ee ku aadan in doowladda Kenya ay Ciidamadeeda kala Soo baxdo Soomaaliya Si loo yaareeyo Weerarra Al-shabaab ay ku qaadayaan  ciidamadda Kenya ee Soomaaliya ku sugan iyo Dalka Kenya Gudihiisa.