Animation

War Cusub: Weerar Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo Xalay ka dhacay Dagmada Jowhar

no responses
Saturday September 24, 2016 - 5:20 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu ka Heleyno Magaalada Jowhar ee Xalunta Gobolka Shabeelada dhexe ayaa waxa ay sheegayan in Habeenkii Xalay Halkaasi uu ka dhacay Weerar Sababay Dhimasho iyo Dhaawac.

Iskahorimaadkan oo dhacay fiidnimadii Xalay ayaa waxaa uu ka dhashay sida ay xaqiijiyeen dad ku sugnaa goobta uu iskahorimaadku ka dhacay in ciidamo Boolis ah oo howlgal ay ku baacsanayeen dad lagu tuhmayay inay ka ganacsanayeen muqaadaraadka xashiishada  iyo labo askari oo ku sugnaa gudaha xaafada Kulmis in ay kala shakiyeen Islamarkaaa ay dhexmartay is rasaaseyn sababtay in ay dhintaan labo askari halka saddex ruux oo rayid ahna ku dhaawacmeen.

Maamulka Dagmada jowhar weli kama hadlin Israsaaseynta Xalay ka dhacday Dagmada Jowhar ee Gobolka Shabeelada Dhexe.