Animation

War Cusub: Waxbadan ka Ogow Socdaalka uu Magaalada Jowhar Maanta ku tagay Taliyaha Guud ee Ciidanka Amisom General Subagle????+Sawirro

no responses
Sunday October 16, 2016 - 12:24 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Magaalada Jowhar Ee Xarunta Gobolka Shabeelda Dhexe Maanta waxaa Gaaray Wafdi Saraakiil ah oo ka socda Howlgalka Nabad Ilaalinta Amisom.

Wafdigan oo uu hor kacayo Taliyaha guud ee hawlgalka midowga Afrika Gen; Cusmaan Nuur Subagle, ayaa waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaliya C/raxmaan Maxamed Odawaa iyo Goddoomiyaha cusub ee Barlmaanka Hir-Shabelle,Sheekh Cusmaan Barre Maxamed, iyagoo ka sheekeystay xaaladda guud ee hab sami u socodka Shirka oo maraya heer gabagaba ah iyo sidii loo dhammaystiri lahaa.

Wafdigan oo uu ujeedkiisu ahaa u kuur gelidda xaaladda goobaha ay ka dhacayso doorashada Xidhibaannada Labada Aqal ee Dowladda Federaalka Soomaliya u meteleysa Hir-Shabeelle,ayaa waxay sidoo kale kala hadleen arrimaha nabad gelyada Hay’adaha kala duwan ee ammaanka Gobolka Sh/dhexe.

Sidoo kale wararka Kulankaan ayaa waxa ay intaasi ku darayan in la qorsheynaayo sidii Ciidamo Amisom loo geyn lahaa Goobta uu ka socdo Shirka Maamulka loogu dhisaayo Labada Gobol Maadama Horay shirka Carqalad loogu sameeyay oo Kooxo Maleeshiyaad ah ay Gabi ahaanba shirka Xoog ku joojiyeen.

am1 am2 am3 am4

Facebook Comments