Animation

War Cusub: Waxbadan ka Ogow Qodobadii ay Ka wada Hadleen Madaxweynaha Galmudug iy Safiirka Ingariiska u fadhiya Soomaliya+Sawirro

no responses
Friday October 28, 2016 - 7:28 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Soomaliyeed ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa kulan la qaatay Safiirka Wadanka ingriiska u fadhisa Soomaaliya Ms Harriet Matthews.

Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa kulankooda looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Colaadda Galkacayo, Waxaana Safiirka Dalka Ingiriiska u fadhisa Soomaaliya Ms Harriet Matthews ay ka codsatay Madaxweyne Guleed in Si Sharuud la’aan ah loo joojiyo dagaalka Galkacayo.

Madaxweyne Guleed ayaa safiirka u sheegay in Galmudug mar waliba diyaar u tahay in ay si sharuud la’aan ah ku soo fadhiisato miiska wadahadalka, balse dhinaca kale ay diyaar u noqdaan daminta colaadda.

Sidoo kale Safiirka ingariiska ee Soomaliya ayaa Madaxweyne Guulled waxa ay kala Hadashay Arimaha Doorashooyinka.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrara Kulanka

dscn7224 dscn7225 dscn7226 dscn7230