Animation

War Cusub: Waxbadan ka Ogow Kulamo Goon gooni ah oo Beledweyne uga socda Raisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda iyo…..

no responses
Sunday October 2, 2016 - 7:59 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wafdi uu hoggaaminayo R/wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte oo shalay gaaray magaalada Beledweyne ayaa kulamo la leh mas’uuliyiinta iyo waxgaradka ku sugan magaalada Beledweyne.

Mudane Maxamed Cumar Carte oo gelinkii dambe ee shalay si diirran loogu soo dhaweeyay Beledweyne islamarkaana xalay ku hoyday Beledwene ayaa maanta lagu wadaa in uu kulamo la qaato mas’uuliyiinta iyo waxgaradka ku dhaqan halkaasi.

R/wasaare ku xigeenka ayaa la filayaa in uu kala hadlo bulshada reer hiiraan iney gacan ka geystaan dhismaha maamul ay yeeshaan gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe, kaasoo dhismihiisa loo fadhiyo magaalada Jowhar.

Wafdiga uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka waxaa kamid ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha gudaha iyo mas’uuliyiin kale.