Animation

War Cusub: Waxbadan Ka Ogoow Ujeedka Masuuliyiin sare ay ku Joogaan Dagmada Xudur oo la sheegay in…..

no responses
Thursday November 3, 2016 - 7:35 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wasiiro  iyo Xildhibaano ka tirsan  dowlad goboleedka Koofur  Galbeed ayaa gaaray Magaalada Xudur oo ay joogaan   dadkii ka soo barakacay dagaaladii ka dhacay deegaanno  ka tirsan Bakool.

Mas’uliyiintaasi oo booqday xaruma ay ku jiraan dadkaasi ,ayaa guud ahaan  shacabka u ballan qaaday in ay xooga saari doonaan sidii ay u xureyn lahaayeen deeganada ay dadka ku dhibaateeyeen kooxda Al-shabaab.

Booqashadaasi  ayaa waxaa ay gogol xaar u tahay sida loo bilaabi lahaa howlgallo dhan ka ah  kooxda Al-shabaab Kaas  oo looga saarayo  guud ahaan deegaanada hoos tago maamulka Koofur Galbeed.