Animation

War Cusub: Waxbadan ka ogoow socdaalka farmaajo uu maanta uga dhoofay muqdisho iyo qorshaha uu….

no responses
Sunday May 21, 2017 - 10:29 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha jamhuuriyadda soomalia mudane maxamad c/llahi farmaajo iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminaayo ayaa saakay ka dhoofay garoonka diyaaraddaha aadan cadde ee magaalada muqdisho.

Madaxweyne farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxa ay kusii jeedaan magaalada riyaadh ee caasimadda dalka sacuudiga.

Madaxweynaha ayaa halkaas uga qeyb galaya shir u dhaxeyn doona madaxweynaha mareykanka donald trump iyo hogaamiyeyaasha dalalka islaamka oo soomalia ay qeyb ka tahay.

Shirka waxaa diiradda lagu saari doona arimaha kooxaha xagjiriinta ah ee caalamka kusii baahaya iyo sidii la isaga kaashan lahay in laga hortago dadka mayalka adag ee wadamada caalamka amnigooda qal qalka ku haaya.

Shirka maanta ayuu furmaya waxaana hada riyadh kusii qul qulaya madaxda dalalka islamka ee shirkaan lagu casuumay.

Madaxweynaha soomalia ayaa lagu wada in uu kulan la qaato dhiggiisa dalka mareykanka waxaana labada mas’uul ay ka wada hadli doonan xiriirka labada dal iyo dagaalka shabaab lagula jiro.