Somali News Top News

War Cusub: Wasiirka Awqaafta iyo Diinta oo ka Codsaday Imaamyada Masaajida Dalka In Maalinta Jimcaha laga Tukado Salaada Roob doonka

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiaadir Sheekh Cali Ibraahim Baqdaaddi oo Maanta Shir Saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay abaaro Ba’an oo ku dhuftay Waqooyiga iyo Koofurta Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ku baaqay in maalinta Jimcaha ee nasoo aaddan dhammaan Masaajidda dalka laga oogo salaad roob doon ah, culimaduna ay shanta salaadood oogaan qunuud Alle lagu weydiisanayo in abaarta uu shababka Soomaaliyeed ka dulqaado.

“Meelo badan oo dalka waa ay saameysay aaartay, tan xigta dhammaan Culimada Masaajidda waxaaan ugu baaqayaa inay shanta salaadoodba ay ka Qunuudaan si Ilaahay Subxaana Wataacaalaa dhibaatadaan uga dulqaado masaakiinta dhibaateysan. maalinta Jimcahana tukadaan salaad roob doon ah”ayuu yir mudane Baqdaaddi.

Wasiirka ayaa sheegay in labada bil ee nasoo aaddan aan roob la filaneynin, isagoo ku boorriyay shababka Soomaaliyeed ee dhaqaalaha heysta iyo hayadaha samafalka in sid deg deg ah u soo caawiyaan dadka dhibaateysan ee abaartu xoolahoodii leysay.

“Qofkasta oo Soomaali ah oo heysta waxa uu quudanayo wax ka badan inay la gaaraan walaalkooda dhibaateysan ee ay abaaruhu saameeyeen, ee u istaagno sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaaruhu saameysay”ayuu yiri Wasiirka Awqaafta iyo Diinta.

Related posts

DAAWO: Odayaasha Puntland oo u Jawaabay kuwa Baydhabo.

admin

Daawo: Senator ka tirsan Aqalka Sare oo Dalbaday in lagu soo wareejiyo C/raxmaan Cabdi Shakuur

admin

SAWIRO: Dekadda Kismaayo oo laga soo saaray Haraadiga Maraakiib horey u degay.

admin