Somali News

WAR CUSUB: Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Ethopia Tedros Adhanom oo Noqday Hogaamiyihii ugu horeeyay ee African ah oo isku Sharaxay in uu Noqdo Agaasimaha Guud ee WHO

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia, horeyna u soo noqday wasiirkii caafimaadka, Tedros Adhanom, ayaa noqday hoggamiyihii ugu horeeyay ee African ah iyo murashaxa kaliya ee u taagan jagada agaasimaha guud ee Hey’adda Caafimaadka Aduunka ee marka la soo gaabiyo la yirahdo WHO, oo lagu magacaabi doono shirka hey’adda ee sanadka soo socda.

Hay’adda Caafimaadka Aduunka WHO, waxaa ay QM aasaastey sanadkii 1945-kii, oo haatan laga joogo 70 sanadood. Balse WHO waligeed mayeelan hogaamiye kasoo jeeda qaarada Afrika, waxaana hadda isu soo taagey jagadaas Tedros Adhanom.

Tedros ma dhaliilsano waxqabadkii hogaamiyeyaashii ka horeeyey, hasa-ahaatee waxaa uu sheegay in arrimaha Caafimaadka Aduunka lagu eegayey fakarka waddamada horumarey oo aan sidaas u ballaarneyn.

“Sida aad ogtahay Afrika iyo dalal badan oo dunida soo koreysa kamid ah ayaa culeyska ugu badan uu kudhacaa, walina nalama siin fursad ah in xaaladda caafimaadka adduunka lagu arko indhaha Afrika iyo dunidan soo koreysa ee iyagu og waxa u asalka ah caafimaad darada ay la kulmaan” ayuu yiri Tedros.

Tedrose Adhanom ayaa gaanshaanka u daruurey arragtida ah in uu magacaabistan ku doonayo maadama uu u arko in ay tahay kaltankii uu ruux Afrikaan ah jagada u qaban lahaa hay-adan QM uqaabilsan cafimaadka.

Waxaase uu intaas ku darey in Afrikaanimadiisu ay faa-iido utahay howsha WHO laga doonayo.

Tedros waxa uu leeyahay khibrad aad u sarreysa. Waa Cilmi-Baare sare oo dhanka mallaariyada, caalamkana laga aqoonsan yahay, ka horna intii aan loo magacaabin Wasiirka Arrimaha Dibada ee Itoobiya sanadkii 2012-kii, waxa uu ahaa Wasiirka caafimaadka ee dalkaas oo loo magacaabau 2005.

Related posts

Eldoret Xasan Skeikh :- Manta wa maalin Taarikhi ah oo anu xusayno geesiyaashi naga dhintay

admin

Daawo Sawirro: Ciyaartooyda Dalkeena Soomaliya Sida qiimaha badan oo ay uga soo dhex muuqdeen Bulshada Caalamka Furitaanka Ciyaaraha Olambiga ee Rio 2016

Tifaftiraha K24

Top News: Gabar Wariye ah oo gudoomiye looga dhigey mid kamid ah Degmooyinka Gobalka Banaadir.

admin