Animation

War Cusub: Wakiilka Q.M ee Soomaliya Danjire Keating oo Warbixin Aan la Fileyn u gudbiyay UN-ka Xili dib u dhac uu ku yimid Doorashada

no responses
Wednesday September 28, 2016 - 12:27 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Qaramada Midoobay ayaa waxa ay muujisay walaaca ay ka qabto dib u dhaca ku yimid Doorashooyinka Somaliya, kadib markii Guddiga Doorashooyinka dadban ee dalka ay shaaciyeen Isniintii muddo hal bil ah in dib loo dhigay Doorashada Somaliya.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha Somaliya Michael Keating oo ka hadlaayay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin dib u dhac ku yimid Doorashada.

Keating ayaa sheegay inay muhiim ahaan laheyd in Doorashada ay waqtigeeda ku dhacdo, iyadoo laga fogaanaayo carqalad ku yimaado Waqtiga Doorashada Somaliya.

“Dib u dhaca hadda yimid wuxuu keenayaa cabsi badan, aan labo ka magacaabo, in geeddi socodkan uu yahay mid qaabsiyaasadeysan loo maamulay iyo in dib u dhacan uu yahay mid ka mid ah dib u dhacyo is xig-xigay oo horay u dhacay, in la sii wado qaabkii ay u dhici lahayd doorasho si cad oo la wada arki karo u dhacda lagana faa’iideysto waqtiga dheeriga ah ee la haysto.” Ayuu yiri Wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha Somaliya.

Jadwalka cusub ee Doorashada ayaa cadeynaya in Doorashada Madaxweynaha iyo Tan Guddoonka Baarlamaanka ay dhaceyso.

In doorashada Golaha Shacabka la qabto inta u dhaxeyso Oktoobar 23-10 ka Nofeembar ee sannadka 2016ka. Kursi kasta oo ergadiisa diyaar noqota doorashadiisa way dhacaysaa markii la gaaro wakhtiga loo asteeyey doorashada Golaha Shacabka ee Barlaamaanka;

In doorashada Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka cusub la qabto 23 ka bisha Nofeembar;

In doorashada Madaxweynaha ay dhici doonto 30 ka bisha Nofeember ee 2016. Ugu dambayn