Animation

War Cusub: Waa kuma Xildhibaanka kusoo baxay Kursiga Labaad ee Aqalka Hoose Hirshabeele???

no responses
Wednesday November 16, 2016 - 11:39 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Doorashada Aqalka Hoose ee Hirshabeele ayaa waxa ay ka socotaa Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelada dhexe.

Ergada ayaa Horay u doortay Kursiga Koowaad ee Aqalka Hoose waxaana ku Guuleysatay Xildhibaanad Qadiija Maxamad Diiriye.

fb_img_1479295755127

Kursiga labaad waxaa ku Guuleystay Xildhibaan Maxamed Xasan Qoono kaddib markii ay tanaasuleen labadii Musharax kale ee la tartamayay, kuwaasoo kala ah Bishaar Xasan Xirsi iyo C/casiis Xasan Camalow.

Ergooyinka ayaa qaab gacan taag ugu codeeyay, kaddib markii ay tanaasuleen labada musharax ee la tartami lahaa

Qoono wuxuu Horay uga Mid ahaa Xildhibaanadii Hore ee Soomaliya wuxuuna Markale ku guuleysatay kursiga Xildhibaanimo .

Doorashada weli wey socotaa Ergada ayaana hada u Codeynaya Kursiga Seddexaad ee Aqalka Hoose Hirshabeele.