Animation

War Cusub: “Umadda Soomaaliyeed Hambalyo ayaan leeyahay, Wasaaraddu waxa ay xaqiijisay dhalashada Bisha Barakeysan Ee Ramadaan,

no responses
Friday May 26, 2017 - 9:50 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wasaaradda Owqaaftay iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqday in caawa Ramadaan uu Koow yahay, iyadoo hambalyo ku aadan bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan u dirtay umadda Soomaaliyeed meel walba oo ay ku nool yihiin.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Sh Maxamed Kheyroow Aadan ayaa sheegay Dhalashada Bisha Ramadaan Caawa laga arkay demooyin katirsan Gobalka Banaadir iyo Qaar kamid ah Magaalooyinka Dalka Soomaaliy.

“Umadda Soomaaliyeed Hambalyo ayaan leeyahay, Wasaaraddu waxa ay xaqiijisay dhalashada Bisha Barakeysan Ee Ramadaan, Mashaa’iq Caan oo iyo dad lagu kalsoonyahay oo wasaaradda la soo xiriiray ayaa noo sheegay in ay indhahooda ku arkeen bisha, sidaas darteedna caawa Ramadaan uu Koow yahay” ayuu yiri sh Kheyroow.

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku boorrisay dadweynaha Soomaaliyeed in ay is Cafiyaan ayna caawiyaan dadka tabarta daran ee duruufaha adag ee xagga nolosha ku sugan.

Sidoo kale Dowlahada Dunida Islaamka ayaa iyaguna xaqiijiyay in Caawa Ramadaan uu Koow yahay.