Somali News

War Cusub: Tahriibayaal aad u badan oo markale laga soo bad baadiyay xeebaha talyaaniga meeqa ayey gaarayan?

Kooxaha gurmadka ayaa 48-kii saac ee lasoo dhaafay waxa ay badda Mediterranean-ka kasoo bad baadiyeen tahriibayaal tiradooda lagu sheegay 1,200 oo muhaajiriin ah.

Tahriibayaashan oo doonyo yar yar oo alwaax ka sameysan kasoo raacay xeebaha dalka liibiya ayaa kusii jeeday wadanka talyaaniga iyadoona la sheegay in doonta ay la qalibantay.

Mid kamid ah doomahaas waxaa sarnaay dad ka badan 500 oo tahriibayaal ah waxaana usoo gurmaday dadkaani Maraakiib ay wataan ururo aan dowli ahayn.

Badda u dhaxeysa liibiya iyo talyaaniga waxaa sanad kasto ku dhintay dad aad u badan oo kumanaan ruux gaaraya iyagoo naftooda ku haligaya biyaha si ay u gaaraan wadamada yurub.

Sanadkaan waxaa la sheegay in badda Mediterranean-ka laga soo bad baadiyay dad lagu qiyaasay 22,000 oo ruux oo badankood ay yihiin afrikaan halka badda ay ku dhinteen dad ka badan 500 sida laga soo xigtay kooxaha samatabixinta.

Related posts

Wasiir Janan “Dhul Soomaaliya ay leedahay cid kale in aanay qaadato ma ogolin, Dowladda Soomalia waa in ay…..”

admin

Madaxweyne Cagjar Oo Hal Arin Kaga Fiicnaaday Madaxda Maamul Gobolleedyada Dalka

admin

Masuul laga mamnuucay Magaalada kismaayo oo Amisom xoog ugu celineyso.

admin