Somali News

War cusub: Seddex ruux oo loo qabtay dilalkii maanta ka dhacay Muqdisho maxayse NISA ka tiri in…..+Sawirro

Hey’adda sirdoonka iyo nabad sugida qaranka ayaa sheegtay in gacanta ay kusoo dhigeen seddex ruux oo lagu tuhunsanyahay in ay ka dambeeyeen dilal maanta ka dhacay magaalada muqdisho.

Saraakiisha NISA ayaa sheegay in ragaan lagu tuhunsanyahay in dilalkii maanta ka dhacay muqdisho ay ku lug lahaayeen .

Baaritaano dheeraad ah ayaa ku socda tagaan la soo qabtay sida ay sheegtay NISA waxaana saraakiisha NISA ay shaaciyeen in goordhaw natiijada baaritaanka la shaacin doono.

Gaariga ay Wateen kooxda Dilalka Geystay oo noociisu ahaa NOHA ayaa Ciidamadu ugu dambeyn kaga Daba Tageen Tookiyada Xaafadda Siisii ee Degmada Yaaqshiid, waxaana Markii Tookiyada la isla Galay Kaagriga Kabooday Darawalkii Oo Diiday in uu Isdhiibo.

Darawalkii Waday gaariga ayaa Galay Mid kamid ah Guryaha ku yaallay Xaafadda, isagoo isaga dhex dusay ku dhawaad shan guri halkaas oo uu ugu dambeyn ku baxsaday, iyagoo sidoo kalana la qabtay nin kale oo la socday darawlka Baxsaday.

Ciidamada ayaa Billaabay Baaritaano dheeraad ah waxayna qabteen Milkiilihii lahaa gaariga iyo ruux kale oo dumar ah kuwaas oo hadda baaritaano ay ku socdaan.

Sidoo kale inta lagu gudajiray howlgalka ayaa Ciidamadu soo saareen Godad iyo Xaafado isku Furfuran oo loogu talagalay in kooxaha Falalka Qorsheysan ka geysta magaalada Muqdisho ay isaga kala Gudbaan.

Muqdisho waxaa maanta ka dhacay dilal qorsheysan in dhaawac loo geestay masuuliyiin horay xilal usoo qabtay isgooyska ceel-gaabta ee dagmada xamar jajab waxaa lagu dhaawacay taliye ku xigeenkii hore ee NISA xasan dheere iyadoo weerarkaasi uu ku dhintay askari ilaalo u ahaay sidoo kale weerar ka dhacay dagmaada hodan ayaa lagu dilay afhayeenkii hore ee maamulkii ximan iyo xeeb Maxamed Cumar Hagafeey.

Related posts

Daawo: Alshabaab oo soo Bandhigtay Muuqaal ay ka Duubeen Askari Uganda u dhashay oo Dagaalkii janaale ay ku qabteen

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Guddiga Doorashooyinka Dadban oo War muhiim ah soo saaray maxayse uga hadleen???

Tifaftiraha K24

Daawo: Khudbaddii saameynta laheyd ee madaxweyne farmaajo uu ka jeediyay kalfadhiga baarlamaanka oo maanta si rasmi ah u furmay

Tifaftiraha K24