Somali News

War cusub: Sarkaal itoobiyaan ah oo sabab la yaab leh isugu dilay dagmada garbahaarey ee gobolka gedo

Wararka ka imaanaya gobolka gedo ayaa waxa ay sheegayan in saakay aroortii uu gacantiisa isku dilay sargaal ka tirsan ciidamada itoobiya ee ku sugan dagmada garbahaarey ee gobolka gedo.

Sarkaalkan ayaa isku dilay gudaha degmada Garbahaarey ee xarunta gobalka Gedo’iyadoona warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan sababta keentay inuu is dilo sarkaalkan Itoobiyaanka ah.

Maamulka dagmada garbahaarey ayaa xaqiijiyay is del delaada sargaalkaan itoobiyaanka ah iyadoona ay ka soo baxayan warar kala duwan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sargaalkaan is dilay uu dhawaan fasax weydiistay sargaalka isaga ka sareysa fasaxaasi oo uu kusoo booqanaayo ehalladiisa ku sugan dalka itoobiya ha yeeshee sargaalka lagu gacan seeray dalabkaasi uu soo gudbiyay sidaas darteedna uu saakay isku dilay.

Meydka sargaalkaan ayaa waxaa loo qaaday magaalada baydhabo ee xarunta gobolka baay waxaana meydkiisa qaaday diyaarad nooca helikoptarka loo yaqaan.

Saraakiisha itoobiya ee ku sugan garbahaarey weli kama aysan hadlin dhacdadaan uu isku dilay mid kamid ah saraakiishooda qeybta ka ah howlgalka amisom.

Related posts

Dhagayso:- Wasiirka Gaashandhiga oo kanaxsaday Dad Masaakin ah

admin

“Sawiro” Raisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Madaxweynaha Puntland iyo safiirka Turkiga ee Soomaliya oo Booqday Garoonka Cusub ee magalada Garoowe

admin

DEG DEG:- Guddiga Doorashooyinka Dadban GFHDD oo walaac ka mujiyay cabashada ka soo yeeraysa Odayaasha Saxiixeyaasha ah

admin