Animation

War Cusub: Sargaal Sare oo ka tirsan Nabad-sugida oo Muqdisho lagu toogtay Xili uu……

no responses
Monday November 21, 2016 - 12:21 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Faah-faahin dheeraad ah ayaa waxa alaga helaaya Kooxo Hubeysan oo Shalay Galinkii dambe Xaafada Siinaay ku toogtay Nin la sheegay in uu ka tirsanaay Nabad Sugida Soomaliya.

Alshabaab ayaa sheegatay Tooagshada loo geestay Ninkaas oo lagu Magacaabi Jiray Daahir Cumar Tubaweyne Waxaana Baraha Shabaabka wararka u baahiya lagu qoray in Kooxo Hubeysan ay Toogteen Shaqsigaan oo ay shabaab ku sheegen in uu yahay Sargaal ka tirsan Nabad Sugida Soomaliya.

Alshabaab ayaa Sarkaalkani waxa ay sheegen in uu kamid ahaa Nabad-sugidda Soomaliya Waxaana Dilkaan uu kusoo aadaya Iyadoo Shabaabka ay Xalay Weerar ku qaadeen Saldhig ay Ciidamada Dowlada ku leeyihiin Warshaddii Hore ee Barfuunka.