Animation

War Cusub: Saraakiisha Ciidamada Itoobiya oo Hub ku Wareejiyay Ciidamada Koonfur Galbeed si Alshabaab ay Uga Saaraan Deegaanadii ay…..

no responses
Tuesday November 1, 2016 - 7:09 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Sida ay sheegayan Wararka aynu ka heleyno Dagmada Xudur ee Gobolka Baay ayaa waxa ay shegegayan in Halkaasi kulan uu ku dhexmaray Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Degmada Xudur iyo Maamulka Koonfur Galbeed Saraakiil ka tirsan.

Ciidamada Itoobiya oo dhawaan ka baxay Dagmada Tiyeegloow ayaa waxa ay saraakiishu sheegen in halkaasi ay uga soo tageen Ciidamada Koonfur galbeed Balse marka dambo ay maqleen in Ciidankii ay Magaalada uga soo tageen in halkaasi ay isaga soo baxeen kadib Markii ay ka baqeen in Alshabaab ay Weerar Culus kusoo qaadaan.

Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ayaa Hub badan ku wareejiyay Sarkiisha Maamulka Koonfur Galbeed si ay ula dagaalaman Alshabaabkii qabsaday Tiyeegloow.

Ciidamada Koonfur Galbeed ayey ku amreen Saraakiisha Itoobiya in Hubkaasi ay Alshabaab kaga saaraan Deegaanadi ay qabsadeen ee Koonfur Galbeed.