Animation

War Cusub:- Safaaradii Soomaaliya ee Mareykanka oo dib loo furay

no responses
Thursday November 19, 2015 - 7:45 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xaflad ka dhacday magaalada Washington-DC ayaa xarigga looga jaray dib u furista safaaraddii ay Soomaaliya ku laheyd dalka Mareykanka dhowr iyo labaatan sano ka hor.

Safiirka dowladda Soomaaaliya u fadhiya dalka Mareykanka Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay dib u hawlgelinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Mareykanka waqti badan ka dib,wuxuuna intaa ku daray in ay tani calaamad u tahay horumarka iyo xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya labada dowladood.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika Linda Thomas Greenfield ayaa carrabka ku dhufatay in Soomaaliya ay dib u soo kabaneyso, isla markaana ay is bedello badan ay ka jiraan, waxaanay intaa raacisay in Mareykanka uu si rasmi u aqoonsaday Soomaaliya, iyadoo soo dhoweysay dib u furista safaaradda Washington.

Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya C/salaan Hadliye Omar ayaa sheegay in muhiimad gaar ah ay u leedahay Soomaaliya dib u furista Safaarada Washintong, maadaama ay tahay Caasimadda Adduunka, waxaana uu tilmaamay inuu ku faraxsan yahay in Calanka Soomaaliya uu ka babanayo Safaaradooda Washington DC.

Soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyay dedaal xooggan ugu jirtay sidii ay u soo celin laheyd Safaaradaheeda Waddamada caalamka, oo uu saamayn ballaaran ku yeeshay burburkii ku yimi dowladdii dhexe.