Animation

War Cusub: Safaaradda Soomaliya ee Dalka Suudan Maxay ka tiri Muqalasiin la sheegay in Gacanta lagu dhigay xili ay….

no responses
Wednesday October 12, 2016 - 6:00 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Safaaradda J.F. Soomaaliya ee Dalka Suudaan ayaa daboolka ka qaaday in bilowgii sanadkan 2016 uu hoos u dhac wayn ku yimid ququlka Tahriibka dhallinyarada Soomaaliyeed, kadib markii la xiray soohdinta ay Suudaan la leedahay dalka Liibiya oo ay Tahriibayaasha uga sii gudbi jireen badda Mediterranean-ka si ay Yurub halkaas uga sii gudbaan.

Safaaradda oo kaashanaysa Dowladda aan walaalaha nahay ee Suudaan waxa ay dadaal ugu jiraan sidii loo joojin lahaa dad aad u tiro yar si dhuumaaleeysi ah doonaya in ay Saxaraha uga tallaabaan dalka Liibiya, halkaas oo ay wajahayaan halis naftooda Qatar galin karta.

Safaaradda J.F. Soomaaliya iyo Dowladda Suudaan oo wada jira waxaa u suura gashay in lasoo qabto laba ka mid ah raggii ugu waawaynaa Muqalasiinta ka shaqeenayay tahriibinta dhalinta Soomaaliyeed, kadib markii in muddo ah lagu daba-joogay soo qabashadooda.

Labadan qof oo magacyadooda loo yaqaan Cabdulaahi Jabuuti iyo Diiriye, ayaa lasoo qabtay kadib markii ay Oday Soomaaliyeed kasoo af-duubteen dalka Yaman, kaas oo eheladiisa in muddo ah baadigoobayeen kadibna uu ka baxsaday gacanta af-duubayaasha, iyagoo ku qarinayay guri ku yaala magaalada Khartoum ee Caasimadda Suudaan.

Aabahan Soomaaliyeed ee lasoo afduubay ayaa Safaaradda J.F Soomaaliya ee Dalka Suudaan  soo gaarsiiyay dacwad ka dhan ah labadaa nin kadibna Safaaradda ayaa  ku wargalisay hay’adda ku shaqada leh ee Dowladda Suudaan, sidaana ku suura gashay in gacanta lagu soo dhigo.

Labada Eedeysane ayaa lagu haystaa in dhalinta Soomaaliyeed si xoog ah uga af-duubanayeen gudaha Suudaan iyo dalalka ee tahriibayaashu isaga kala gooshaan, kadibna ay u gacan galinayeen rag ay la shaqeystaan oo jooga Dalka liibiya oo loogu magacdaray Magafayaal, kuwaas oo si arxan daro ah u jirdilaya tahriibayaasha sidaana eheladooda ay kaga qaataan lacago baad ah.

Ugu danbeyntii Safaaradda J.F. Soomaaliya ee dalka Suudaan oo kaashanaysa Dowladda Suudaan ayaa waxa ay sidoo kale ku raad joogtaa kooxo kale oo lagu sheegay in ay ka shaqeeyaan tahriibinta dhalinyarada Soomaaliyeed, waxa ayna Safaaradda uga digaysaa dhalinta iyo waalidkooda in aysan marnaba ubadkooda usoo dirin tahriib, waayo wixii hada ka dambeeya waxa uu tahriibaha Suudaan kala kulmayaa xarig dhowr sano ah kadibna musaafurin wadanka dib loogu soo celinayo.