War Cusub: Raisul Wasaare Sharmaarke oo Ka Hadlay Sida ay Isaga la tahay Doorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar iyo Natiijada kasoo baxday…..

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa soo dhoweeyey doorashadii ka dhacdey magaalada Jowhar ee lagu doortay Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabeele Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble iyo madaxweyne ku xigeenka Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe).

“Waxaan u hambalyaynayaa Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabeele Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble iyo ku xigeenkiisa Waxaan Alle uga baryaynaa in uu howsha adag ee loo doortay ku garab galo, waxaan aad ugu faraxsanahay sida ay doorashada u dhacday, oo ah mid xaq ah iyo si xalaal ku dhacday, bulshadana ay la shaqeeyaan hogaanka cusub” ayuu yiri R.W Cumar.

—–DHAMMAAD—–