Animation

War Cusub: Rag Qarax Miino Dhulka ku Aasayay oo Iyaga ay la Kacday Xaafadda…..

no responses
Thursday October 13, 2016 - 9:20 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Labo xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa ku geeriyootay Qarax xoogggan oo 3-dii habeennimo ee Xalay ka dhacay Xaafadda Ex-kantrool Balcad ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa la sheegay inay aheyd miino dhulka lagu aasayay, kaasoo ku qaraxyaday raggii aasayay, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Xalane.

Waxaa goobta uu Qaraxa ka dhacay gaaray qaar ka mid ah Ciidamada ammaanka iyo masuuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir, waxanay sheegeen inay daba gal iyo baaritaanno dheeri ah samayn doonaan, si loo ogaado halka laga soo abaabulay qaraxa.

Raga dhintay waxaa la sheegay in qaraxa ay Meel wado ah ku Aasayeen Balse ay Iyagu Naftooda la qaraxday oo Iyaga ay ku geeriyoodeen.