Animation

War Cusub: Rabshadaha Dalka Itoobiya oo Cirka Isku shareeray iyo Warshad Sameysa Shamiindada oo Dab la qabadsiiyay

no responses
Tuesday October 4, 2016 - 2:37 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Maamulka gobolka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in dibad baxayaasha ay weerareen shirkad shamiitada sameysa.

Warshaddaasi waxaa iska leh nin u dhashay dalka Nigeria oo ah ninka ugu taajirsan Afrika, Aliko Dangote.

Waxaa goobta lagu gubay gawaari sida kuwa xamuulka qaada iyo mishiino.

Waxay sidoo kale weerareen saldhig boolis, waxayna sii daayeen maxaabiis, iyagoo sidoo kale dab qabad siiyay gawaarida dowladda.

Taageerayaasha Oromada ee gobolkaasi oo dhan ayaa dibad baxaya, waxayna ka careysan yihiin tobanaan qof oo Axaddii halkaasi ku dhimatay.

Dadkaasi dhintay waxay ka qeyb galayeen munaasabad dhaqan oo rabshado isu badashay.

Oromada, oo ah qowmiyadda ugu badan Itoobiya, waxay dhowr bilood wadaan isu soo bax ka dhan ah dowladda.

Waxay ka andacoonayaan dhibaatooyiin siyaasadeed iyo faquuq dhanka dhaqaalaha ah.

Facebook Comments