Animation

War Cusub: Qodobo ku Jira Dastuurka Maamulka Hirshabeele oo Maanta Wax ka badal Lagu Sameeyay Kadib Markii la sheegay in…..

no responses
Monday October 31, 2016 - 5:40 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeele oo Maanta Kulan ku yeeshay Magaalada Jowhar ayaa waxa ay wax kabadal ku Sameeyeen Dastuurka qaar kamid ah Qodobada Dastuurka Maamulka Hirshabeele.

Xildhibaanada ayaa Cod Aqlabiyad leh waxa ay ku Ansixiyeen in waxkabadal lagu Sameeyo qodobo ku jira Dastuurka Hirshabeele State.

Xildhibaanada ayaa cod u qaaday wax ka bedelida qodobka 31aad cutubkiisa 3aad ee dastuurka Hirshabeelle kaasoo diidayay in xildhibaanada baarlamaanka ay qaban karaan xilalka heer wasiir ee maamulka Hirshabeele, hase yeeshee codkii loo qaaday in wax laga bedelo qodobkaan ayay xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle cod aqlabiyad leh isugu raaceen in wax laga bedelo maadaama uu ka hor imanayo qodobka 97aad ee dastuurka Federalka ah.

Xildhibaanada soo xaadirey oo ahaa 98 xildhibaan ayaa waxaa diiday 3 xildhibaan halka 1 xildhibaan uu ka aamusay,sidaa darteed ayaa qodobkaas uu ku noqday mid wax laga bedelay waxana lagu bedelay qodobkan  xildhibaanada inay ka qaban karaan xil dowlada Hirshabeelle.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayay xildhibaanada baarlamaanka waxa ay akhrinayeen dastuurka maamul goboleedka Hirhshabeelle, iyagoo dib u eegis ku sameynayeen dastuurka maamul goboleedka Hirshabeelle.