Animation

War Cusub: Qarax xoogan oo markale lala beegsaday gaari ay saaranyihiin ciidamo ka tirsan….

no responses
Thursday June 8, 2017 - 10:04 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayan qarax miino loo adeegsaday oo ka dhacay garoonka diyaaraddaha magaalada jowhar.

Qaraxan ayaa ahaa miinada Dhulka lagu aaso waxaa lala eegtay Gaari Cabdi Bile oo ay saarnaayeen ciidamada Dowlada Soomaaliya,Sida ay Dad Goob joogayaal ah warbaahinta u xaqiijiyeen.

Inta La ogyahay Waxaa Qaraxaasi ku dhintay 3 Askari,Waxaana ku dhaawacmay Isla 3 Askari oo ka Tirsan ciidamada Dowlada Federaalka ee Soomaaliya,Xili ay Marayeen  Meel u Dhow Garoonka Mgaalada Jowhar.

Wararka ayaa Intaasi waxaa ay ku Darayaan  in Durbadiiba Goobta ay  gaareen Ciidamo Badan oo ka Tirsan Dowlada,Waxaa ayna Halkaasi  ka Sameeyeen Howlgal lagu dad badan lagu soo qab-qabtay.

Ma Jirto ilaa iyo Hada Wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Magaalada Jowhar  ee Xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe.

Ciidmada Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaaa horay dhowr jeer waxaa qarax lagula eegtay Magaalada jowhar ee Xarunta G.Sh.Dhexe.