Animation

War Cusub: Qaramada Midoobay oo Marki ugu horeysay aragtay Dhibaatada lagu haayo muslimiinta ku nool wadanka….

no responses
Saturday February 4, 2017 - 5:48 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xafiiska xuquuqda aadanaha ee Qaramada midoobay ayaa sheegay in ciidamada dalka Myanmar oo sidoo kale loo yaqaanno Burma ay dambiyo ka dhan ah aadanaha kula kaceen qowmiyadda Muslimiinta Rohingya.

Xoggaga amaanka ayaa lagu eedeeyay inay dilal kula keceen dad waaweyn iyo caruur, sidoo kalena u geysteen kufsi wadareedyo qorsheysan haweenka Muslimiinta Rohingya ee laga tirada badan yahay.

Qoraal uu xafiiskaasi daabacay ayaa lagu qorey in dhibaatooyinka dadkan loo geystay ay u dhigmaan dambiyo ka dhan ah aadanaha iyo isir-sifeyn.

Baarayaal ka tirsan Qarmada Midoobay ayaa bishii Oktoobar wareysatay dad ka badan 200 oo qof oo ka qaxay dalka Burma una qaxay dalka ay deriska yihiin ee Bangaladhesh.

Kala bar ka mid ah qoysaskii ay Qaramada Midoobay wareysatay waxay sheegeen in in ugu yaraan xubin ka mid ah qoyskooda ay xoogagga ammaanka dileen.

Dowladda Myanmar oo hore u beenisay denbiyadan ayaa iminka sheegtay in ay si weyn uga baaraan degeyso eedeynta Qaramada Midoobay.

Afhayeen u hadley dowladunu waxa uu sheegey in dowladdu ay tallaabo adag qaadi doonto haddii ay hesho caddeymo adag.

Qiyaastii hal milyan oo Rohingya ayaa ku nool Myanmar, waxayna la kulmayeen takoor tobannaan sano.