Animation

War Cusub: Qaramada Midoobay oo Digniin aan Caadi aheyn u dirtay Gaas iyo Guulled oo Galkacyo ku Heshiiyay

2 responses
Monday November 14, 2016 - 12:33 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ergayga Qaramada Midoobay ee Somaliya Michael Keating ayaa uga digay maamullada Galmudug iyo Puntland in ay jabiyaan heshiiska xabad joojinta ah ee sabtidi lagu saxiixay magaalada Galkacyo.

Michael Keating  waxaa uu intaa raaciyay in lala xisaabtami doono ciddii ka baxda heshiiska,  isla markaana ay mas’uuliyadda qaadi doonto wixii ka dhasha.

Danjire Keatinga Waxa uu yiri” Cabdi wali Maxamed Cali Gaas iyo Cabdi kariin Xuseen Guuleed waxa ay balan qaadeen in ay adkeyn doonaan heshiiska , laakiin waxaa muhiin ah in midaas laga wada dhabeeyo ”

Mr. Keating  waxaa uu soo dhaweeyay sida ay Guuleed iyo Gaas uga go’an tahay heshiiska laakin waxaa uu ku booriyay in muhiimadda tahay fulinta heshiiska.

Danjire Mcheal Keating ayaa uga digay maamulada Puntland iyo Galmudug in ay hareermaraan heshiiskii lagu gaaray Gaalkacyo ee uu goobjooga ka ahaa Ra’iisulwasaaraha Qaranka mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

“Ma ahan in lagu xadgudbo heshiiska Gaalkacyo, mana la aqbali karo in heshiis walba la jabiyo , waxaana ay wajihi doontaa xisaabtan adag cidii hareermarta”  Sidaas waxaa markale yiri Danjire Mcheal keating.