Animation

WAR CUSUB: Puntland oo cayrisay Ma’suulkii ka hadlay Duqeyntii Gaalkacyo & Warar sheegaya in…

no responses
Saturday October 1, 2016 - 6:49 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in maamulka Puntland ay xilka ka qaadeen isku duwihii wasaarada warfaafinta ee gobolka Mudug Cabdinaasir Badel Khaliif.

Iskuduwaha wasaarada warfaafinta ee gobolka Mudug ayaa dhawaan ka hadlay weerarkii lagu qaaday saldhiga ciidanka Galmudug ee ku yaalla duleedka Magaalada Muqdisho.

Cabdinaasir Badel Khaliif ayaa sheegay in howgalka ay fuliyeen ciidanka Difaaca Maamulka Punland , islamarkaana ay dileen xubno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ay sidoo kale suurta gal tahay in la xiro iskuduwihii Wasaarada warfaafinta gobolka Mudug.

Facebook Comments