Animation

War Cusub: Puntland iyo Galmudug oo Si Wada Jir ah Baaq uga soo saaray Dagaalka ka dhacay Deegaanka….

no responses
Tuesday September 6, 2016 - 11:31 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa si wadajir ah ugu baaqay in la joojiyo dagaalada ka dhacaya Waqooyi Bari magaalada G/Kacyo, inta la xaqiijiyay Dagaalkan ayaa waxaa ku dhimatay 10 Qof halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 20 kale, wuxuuna u dhaxeeyaa xoolo dhaqato ka tirsan labo maleeshiyo beeleed oo deegaankaasi wada dagan.

Deegaanka Sar-Jimaale ee Waqooyi Bari magaalada Gaalkacyo ayuu dagaalku ka bilowday galankii danbe ee maalinimadii shalay.

Inkastoo haatan xaaladdu ay dagantahay ayaa hadana dadka deegaanka oo ka baqdin qaba in markale Dushooda lagu dagaalamo.